DEGDEG
DEGDEG illo-xog ogaal ah oo ku sugan kismayo ayaa noo
xaqiijiyey in ciidamadda maamulka kismaayo ay maanta si qasab ah taleefanada
Camerada leh Uga aruuriyeen dad kor u dhaafayo 300 oo ruux kuwaas oo marayey
Jidka dheer ee galla dekeda,
Sidoo kale waxaa dhammaan taleefanada laga Aruuriyey
xoogsatada dekeda ka xamaasha
Ujeedka looga ilaalinayo jidka dheer ee dekadda gala iyo
Gudaha dekeda dadka wata telefanada Camerada leh waxaa la iigu sheegay in
maanta la Daabulayo dhuxul farabadan oo dekada laga rarayo taas oo loo
daabulayo dalka kenya
waxaana laga ilaalinayaa in la duubo iyadoo dhuxusha loo
daabulayo kenya maadama ka Ganacsiga dhuxusha horey loo joojiyey
Arintaan ayaa ku soo aadeyso xilli abaar daran ay ka
jirto deeganadda jubaland