Muqdisho (raasonews) – Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa xalay
jeediyey khudbad lama filaan ah, taas oo ay
Villa Soomaaliya sii deysay saq-dhexe, waxaana ka
dhashay falcelin aad u xoogan.
Farmaajo ayaa khudbaddiisa ku sharaxay hanaankii ay u shaqeyneysay dowladiisa mudadii uu joogay xukunka, heshiiska laga gaaray doorashada, dib u dhiska ciidamada, hannaanka siyaasadda arimaha dibadda iyo arrimo kale, isagoo sidoo kale fariin uu u diray shacabka.