Type Here to Get Search Results !

Erayo jaceyl oo cusub

 

 Markuu jacaylku nalgu-dhibo, waxaan raadinaa geeraar jacayl. Oon ku hanan karno qalbiga lamaanaheena, siiba kuwa 2024. fadalan u dir lamaanahaaga geeraaradan. Anaga ayaa kula-wadaagayna geeraar jacayl oo amaan dumar ah.

sidoo kale akhri.



Sidee loo-isticmaalaa geeraar jacayl ah oo gaaban ?

Markaad jeceshahay qof, waa muhiim inaad geeraar jacayl oo amaan ah u dirto. Gaar ahaan kuwo soo jiidanaya qalbiga qofka.

1. Geeraar jacayl oo macaan

  • Waxaa tahay midaan doortay.
  • Dumar aan ka caashaqay.
  • Dookhaygu raacay.
  • Dahabiyo luul.
  • Waxaa tahay midii ka-darnayd.
  • Dhab ahaantii ma-jiro.
  • Midaan kugu doorsan karo.
  • Waxaa tahay qayb kamid noolashayda.
  • Waxaa tahay farxadayda.
  • Waxwalba ayaad ii tahay.
  • Waana ku jeclahay.

2. Geeraaro jacayl oo amaan dumar ah

  • Geenyadaan doortaay.
  • Gibilkeeda markaan arko.
  • Oo gacanteeda qabsado.
  • Galgaceylka aan dareemayo.
  • Gees-walba dunida.
  • Iney gilgishaan waxyar.
  • Ayaa ka-dhiman.
  • Galgaceylka ma-gaboobo.
  • Ma-gambado guntiga hoose.
  • Ayuu gabaad ka-dhigtaa wadnaha.

3. Geeraar jacayl oo soo jiidasho leh

  • naftu way kuu xiistaa.
  • Wayna ku jeceshahay.
  • Hana ka-dheeraan waligaa.
  • Waxaa tahay aragaygi.
  • Mustaqbalkaygi ayaa tahay.
  • Waxaa tahay iftiinki noolashayda.
  • Ma-jiro waxaan adiga kugu doorsanayo.
  • Mana-jiro cidaan adiga kula-meel dhigayo.

4. Geeraar jacayl oo qalbiga taabanaya

  • Bisayliyo xiiso raagay.
  • Qofki baday sawma-baahna.
  • Bukaan galgacayl bastiiya.
  • Cidii baday saw uma baahna.
  • Akhyaar kala-baadiyawday.
  • Bariidada sawma-doonto.
  • Bartuu kalgacayl fadhiistay.
  • haduuboholyow ku-raago.
  • Jaceylkaaga hantiya.
  • Horjoogaagaa farxada.
  • Anigu waan kaa helaa.
  • Hubaal waan kula-hayaa.
  • hamiga waan kugu hayaa.
  • Waan ku-hanan oo hoy ku-gayn.

5. Amaan dumar oo jaceyl ah

  • Xajiin li’I qof wax xeersha. 
  • Xogaal safaqi xaseeya.
  • Xilqaada xasuusa dhawra.
  • Xaq-sheegta xifaaltan diida.
  • Xis-deeqda dareenka xooja.
  • Xul baad tahay, nool xagayga.
  • Xayn-daab dhaqanki ma xoorta.  
  • Hadana xoroo xumayra.
  • Damiir xidhoo, ruux xambara. 
  • Xamdiyoo dambigeed rabigeed la-xaala.
  • Xumaan iyo godob xabaal.    
  • Xan-dhiidhiya, xeer ma-jiidha.
  • Xishood dhaba, xagu hagoogta.
  • Xigaal I xigaay xayaati.
  • Xilaa tahay, xaas la-yeesho.
  • Xaqlaha wadnahaay, xanaano.
  • Xalaan godlay xiisihiiye.
  • ohoo dhan xabiibi, xoorkan.
  • Qof xooliyo xaalad gaara.
  • Ku xidhin, iney xiiso qaado.
  • Xadaariyad weedha xoogin.
  • Xaajalay xubin dooda siisa.
  • Xisaabtama aan xaraamin. 
  • Xod-xodis iyo hadal xashiisha.
  • Xumbiyo xigog kuma xaraafa.
  • Kolkaan xumadiyo xanuunsto.
  • Xarbiga ruux ila xumaado. 
  • qof ii xaliloo xumoodin.
  • Laab xunsholey aan xanaaqin. 
  • Dulqaad xaasladaay xabiibi.
  • Xikmadan hoo igu xasuuso.

6. geeraar jacayl oo amaan dumar ah

  • Qiyaas in kugu haboo.
  • Qureysh baa tahay ogow.
  • Dumar qiimahoodana.
  • wanaag iyo quruxba.
  • Cidna kulama qaybsatoo. 
  • Adaa qaatay kaligaa.
  • Qurux lagu daray hannaan.
  • Heybad lagu helo amaan.
  • Aqoon lagu saday hufnaan.
  • Naxariis hiiliyo mudnaan.
  • Hogaaminiyo gacan furnaan.
  • fatxa hablaha dhamaan.
  • Aduunyada u ah hogaan.
  • Adaa kaligaa ideeqay.
  • Kalsooni adaa isiiyay.
  • Adaan kaa helay jecaylka.
  • Kol-hore adaa i-yeeshay.
  • Adaa ka farxiyay kashayda.
  • adaa noolashayda kaaba.
  • Dareenkaana kula shaqeeya.
  • Niyaduna kaligaa ku jeclaatay.
  • Hadii kumanaan hortayda.
  • Kartiyo mid lacag sheegtaba.
  • Aqoon heer ugu sareysa.
  • La-keeno hortayda.
  • adigaa ka fiican.
  • Adaan galgacayl kuu qaday.
  • Adaan kuligood gayaanka.
  • Adaan kugu qoray bogayga.
  • Majiro kaalintaada.
  • Ama kolnimadaada buuxin kara.

7. Geeraar jaceyl oo macaan badan.

  • Dawadaydiyeey hoo. Dhaayahaygiyey maqal.
  • Dhabtii ruux ku doortoo. Dhamigeed aduunyada.
  • Dhaayihiisa kaa jecel. Dhigaa adigaa aadmiga.
  • Kaala soo baxaan ehee. Sida dhayda caanaha.
  • Ama dhibic aroor timid. Aadmigu u dhowrtaan.
  • Ayaad iila dhigan tahee. Dhabta hooyo ku saartaa.
  • Kugu dhashay dhalaalkee. Dhibta ruux aad u diida.
  • Kuu jecel dhalaankee. Ku dhawrtay sidaydi.
  • Dhaxal weeyo caashaqu. Dhamayso guri ma’aadnaa.
  • Dhidibada ma u-adkaynaa. Dhaxal yeesha jaceyliyo.
  • Dhabta ma isa-saarnaa. Dhamideeda aduunyada.
  • Dhaayo ma u noqonaa. Dhibta hadalka keeniyo.
  • Inta dhurata waanada. Dhaxal maysku-siinaa.
  • Dhab-baan kuu jeclahay. Dhamays guri ma-aadnaa.

8. Geeraar jaceyl oo calaacal ah.

  • Ma-dhacdaa qof kaa tagay.
  • Dharaar aad u baahnayd.
  • Inuu erey kusoo dhaho.
  • qalbigaaga dhaawaca.
  • Dhayalsigu jawaab maleh.
  • Dhibta ruuxna lama dhalan.
  • Hadii laysku dhiman jiray.
  • Hada waa lakala dhacay.
  • Kala dhuumashaa timid.
  • cid is dheehataan jirin.
  • Mar haduu dhantaal yimid.
  • Ana aan dhur-suge ahay.
  • Maxaa keenay dhiilada.
  • arooskiinan dhacay.
  • Dhaguhu u daranyee.
  • Ila-dhaafa qaylada.
  • Hambalyada dhambaalkani.
  • Ma dhabaa ilwaadeey.
  • Mise waaba dhalanteed.
  • Ninka dhawrsan guursaday.
  • Nasiibuu igu dhaafee.
  • Wali ruuxdo may dhiman.
  • Dhoola ka-qosolkaagoo.
  • Caawa farxad loo dhigay.
  • Inaan dheehdo waan rabay.
  • Balse dhawac baan ahay.
  • Ninkan aad ku dhagan tahay.
  • qalbigaa ka dhiidhiyay.
  • Dheeraa xasuusuhu.
  • Murugadu dhamaad maleh.
  • Dhinacyadu I maqnaa. 
  • Qof i-dhawrayaan jirin.
  • Aan dhintee I daawada.
  • Ama dhaafa aamina.
  • Dhaxaan sugayee.

9. geeraar jacayl ah oo gaaban

  • Hiboy waxaan waayo badan. hamigama dheer aan lahaa.
  • Hiyiga socod aan u kacay. Kabaha heesada u xidhay.
  • Hubki aan u qaatay sahay. Hamuun gaajo iyo haradiyo.
  • Omos iyo kulayl iyo. Habeen dumay iyo dharaar.
  • Waxaan guuraha hayaaba. Marna kama hadhin halki.
  • Hiyiga guul aan ku xiray. Waxaan sii hiitiyaba.
  • Talaabada aan habdhigo. Waxaan hirar muuqdiyo.
  • Hilaac baxay aan arkaba. hiyiga guul aan ku xidhay.
  • Waxaan haasaawe dumar. Habkii dhalin yaro lahayd.
  • Hablaha soomaliyeed dhamaan. Aan soo hormaray.
  • Hadaan helay qoyska kaaba. Hooyada lgu soo hirtiyo.
  • Haldhaa dumar ah weeyoo. Quruxda waa loo hubaa.
  • Hanaan socodkiyo wanaaga. Hidaha soomaali weeyo.
  • Nasiibna anaa hantiyay. Hirarki ii muuqdayiyo.
  • Hilaacaan beegsanaayay. Hurdada riyo iigu timid.
  • Hadaan guushi jantiyay. Halyaynimo waan is-hubaa.
sirta shukaansiga dumarka
noocyada jaceylka
erayo aad ku dhihi karto ninkaada

10. Geeraar daadic ah oo macaan

  • Hadii aad u jaban tahay. Ninkastoo jacayliyo
  • Kuu sheegta jamasho. Noqon-maysid ruux jira.
  • Jimco kaad la-kulantiyo. Laba jeeblayaashaad la-jirtaa dhankoodoo.
  • Hadba kii ku jiitaad. Jeexiisa noqotaa.
  • Berina waad jikaartaa. Markuu xiisihi jabo.
  • Jawaabaha afkaadiyo. Waxa uurka kaaga jira.
  • Isku jaadba maahoo. Beentaada la-jaartee.
  • Waxba haysku kay jabin. Galgacayl la-jeelkiyo.
  • Jahwareerka caashaqa. Jiljileec ka qaadoo.
  • Wad jeceylo badatee. Caawa yaad la-joogtaa.

11. Geeraar jacayl oo xul ah.

  • Gacalisadii dagtay.
  • Qabsatay qalbigayga iyo maankayga.
  • Xukuntay guud ahaan dareemahayga.
  • Waxaan kuu soo dirayaa fariintan xambaarsan.
  • Udugi jaceylka iyo ubaxyada aduunka. geeraar
  • Waxaan ogaaday in noolashu macaan tahay.
  • Jacaylkana uu macno leeyahay.
  • Taasina waxay timaaday markaan ku jeclaaday.
  • Jacaylkaada qlbigayga wuu ku kobcay.
  • Iyadoo haatan ay gaadhsiisan tahay.
  • Inaan maxbuus u noqdo jacaylkaada.

12. jaceyl dhab ah geeraar

  • Naftayda nafteediyeey. Saw kuguma nuuxsadoo.
  • Naxli maanka gaadhiyo. Saw naafo mad dilin.
  • Neecawda caashaqa. Saw nuug imaadan odhan.
  • Saw nabaradaydiyo. Nacasad hore warkeedi.
  • Naash-naasha kama tihid.
  • Hada noogu maayee. Nabdigiyo bogaagaan.
  • Saw kuma nagaan karo. Kuu nooli aniguye.
  • Macaan maan isla-nool nahay.
  • Naxariista caashaqa. Nuxurkeedi garanaye.
  • Nasabiyo boqoradi dumarkaay. Xagee baad ku noolayd.
  • Nafaqeeyahaygaay. Nalki caashaqaygaay.
  • Nuurkii darajadaydaay. Dadku maaha wada nooc.
  • Aadmiga u naxayoo. Ma najaxa yidhaahdee.
  • Naxli-sida warkeediyo. Nux-nuxlayda iska ogow.
  • Kuu nuglaaday aniguye. Kolba kuma nacaayee.
  • Hada niman badaniyo. Iga naar shaydaan.
  • Nafta kaaga dhigay hooy. Hadba aad ku nagidee.
  • Adna noonahaygaay. jacaylki nagaadee.
  • Naanaysa reebaan kaa naawilayaa.

13. geeraar jaceyl soo jiidasho leh

  • Farxad walba murugo ayaa ka dambaysa.
  • Dhib walbina dheef ayaa ka dambaysa.
  • Uma adkaysto canaanta dadka kale.
  • Balse niyad-jabkaad iigaysato adiga.
  • Dulqaad ayaan u leeyahay aniga.
  • Waayo nabar kugu yaala. cid kale ma bogsiin karto.
  • Adoo u adkaysto mooyee.
  • Qofka indhaha la’. Ma socdo ul la’aan.
  • Qofka indhaha lehna. Ma socdo iftiin la’aan.
  • Aniga waxaad ii tahay labadaba.
  • Qasab ku dareen maaha jacaylku. Balse waa u naxariiso nafta ku jecel.
  • Xanuunka ihayo, waa mid I damqa dawr-walba.
  • Walaal iyo waalidna aan ila qaybsan Karin.
  • Yaan u sheegtaa dhibta caashaqa. Yaan ka weheshadaa jacaylkaada.
  • Sikasta oy tahay, khalad malihid adiga.
  • Mana awoodo inaan qof xun kugu tilmaamo adiga.
  • Dabka siwalboo u kulul yahay, hadana dadka kama maarmaan.
  • Waxaan akhriyaa fariin walboo jacayla.
  • Waxaan dhagaystaa hees walboo khusaysa.
  • Kaligay ayaa murugooda. Waan ogahay ima necbid, laakin iima naxdid.
  • Waayo waxaan ku joogsadaa dab agtaada yaala.
  • Adigoo damin kara ayaad hadana igu daawataa.
  • Ma hadalkaygaan ku farxad galin.
  • Ma muuqaygaan ku farxad galin.
  • Kaliya inaan ku jeclaado. ood iga cararto maxay kuu farxad galisaa adiga.
  • Hadalkaada ma-xuma. Laakin dhaqankaad igula dhaqmayso maxaa xumeeyay.
  • Ma rabo hadal dab igu ah, inaan kugula hadlo.
  • Marwalba raaligalin ayaan kaa codsanayaa.
  • Ii dulqaado si-aan dhibtayda uga hadlo.
  • Kuma hadlayo waad xun-tahay.
  • Laakin isku-day inaad fahanto nafta kugu jirto, iney anigana igu jirto.
  • Marwalbana ogow inaan ku jeclahay.

14. Geeraar jacayl daadis

  • Noolashu waa u riyo kuwo caqliga leh.
  • Waana u ciyaar kuwa doqomada ah.
  • Waana u qosol kuwa hodanka ah.
  • Waana u musiibo kuwo masaakiinta ah.
  • Inuu samirku qaali yahay naftaada u sheeg.
  • Ma seexan kumana soo toosin, inaad maalin ii qalanto adiga.
  • Ma waxaad is-lahayd maanta jacayl la-wadaag, barina ka tag.
  • Adiga iskaba-daa iima qalantide.
  • Kuwo adiga kaa badan ayaa iga noogay aniga.
  • Igamaaha niyad-jabin aan adiga kaaga cadhaysiinayo.
  • Ee dadka noolashayda u qalma kuma jirtid adiga.
  • Noolasha xanuun horey kama soo-marin.
  • Balse nabar i-gaadho ayaan iska-dhawraa aniga.
  • Waan hubaa wax ii qoran ma-gafi doono.
  • Laakin dadaalka anigaa xukuma.
  • Adiga hadaad tahay qof daacada ama xun.
  • Adiga ayey ku anfacaysa.
  • Dad iga badan ayaa jira. Oo iga qurux badan.
  • Oo iga hanti badan. oo iga noolal sareeya.
  • Laakin aniga xuduudaha qalbigayga aad ayey u adag yihiin.
  • Adiga iyo kuwo noocaada iney galaan ma-fududa.
  • Inaad gasho iska-daaye, habeena haku riyoonin midaas.
  • Intaad ku seexatay hakugu filnaato riyadaas.
  • Fikirkaas aniga kulama qabo, hurdada beenta ka toos.
  • Bahdilaad igamaaha aan adiga kuugu darnaanayo.
  • Ee is-waydii maa isku-qalanaa labadeena.
  • Gayaanku wuu badan yahee. Gayigaada calaf u doono.
  • Khayaano, been iyo niyad-jab.
  • Qof lagu siri karo aniga miyaan kula noqday.
  • Libaaxa sidiisaba laguuma tala-galin inuu shabeelka ugaadhsado.
  • Facaygu waa wayn yahoo. In badan baan soo-fadhiyay.
  • Filin aan horey u jilay inaan fiirsado ma-rabo.
  • Hanti iyo jacayl hareerahaanag ka dayo.
  • Hamigayga ma-tihide haysku-kay hallaynin.

15. erayo jaceyl oo macaan

  • uma-baahni inaan haysto.
  • Waxa dunida yaalo oo dhan.
  • Kaliya inaad dhinacayga joogto.
  • Kaliya inaad I dhahdo waan ku-jeclahay.
  • Naf daacad wax ujeclaato.
  • Ma nuqsaanto waligeed.
  • Waan ku faraxsanah barashadaada.
  • Saw xaq uma-lihi inaan ku dhaho.
  • Waxaa tahay qofka kaliya.
  • Ee noolashayda dhamaystiray.

16. Ereyo macan oo gaaban

  • Waxaan hayaa sababo badan oon u dhinto. Iyo mid aan u noolaado. Midaasna waa adiga.

Geeraar caashaq oo amaan ah

  • Jaceyl aan dhamaanbaa.
  • Dhaso iigu beertee.
  • Wali dhaayo kumaan arag.
  • Dhegahana kumaan maqal.
  • Midaan adiga kuu dhigo.
  • Wadnahaad ku dhibicdoo.
  • Adaa dhiiga raacay.
  • Xididada dhex qaaday.
  • Midaan dhaliil lahayn.
  • Buu kaa dhigay alle
  • Waan ku dhawrayaa.
  • Soona dhaqaaq diidee.
  • Dhaqsaan kuu imaan lahaa.
  • Macaanto.

Geeraar kalsooni jaceyl ah oo macaan

  • Hadaan baalal leeyahay.
  • Sidii  shimbirkaan buubi lahaa.
  • Bartaad ku nooshahaan.
  • Boqorad yahay imaan lahaa.
  • Kolkaasay balaalyadu.
  • Bilan kuu heesi lahayd.
  • Boqorad ku dhihi lahaayeen.

geeraar jaceyl ah oo macaan

  • Hadaan ruux weheshanaayo.
  • Wahey aan la noolaanayo.
  • Adaa wakhti ku siin lahaa.
  • Waligay kula joogi lahaa.
  • Waxaan kugu jeclaaday.
  • Wacaney kugu doortay.
  • Xumaantaad iga weecisaa.
  • Wanaagaad iigu wacdaa.
  • Waxaa tahay boqorad.
  • Akhlaaqdeedu wacan tahay.

geeraar jaceyl dhab ah

  • Waxaa tahay gabar qalbi fura.
  • Asal ahaan waxaad abaartay.
  • Dhamaan Xididada dhiiga qaada.
  • Ma sifeyn karo mana tiring karo.
  • Jaceylkaan kuu qabo.
  • Hadaan isku dayo.
  • Inaan qeexo.
  • Runtii iguma filna 24 saac.
  • Xad malaha jaceylkaan
  • Kuu qabo macaaney.

Geeraar Jacayl naxariis


  • Ninkaad danihiisa kaashey.
  • Ninkaad noolashiisa kaabtay.
  • Ninkaad kolkoolinaysay.
  • Korkiisa dhalaalinaysay.
  • Kumaankum ninkaad
  • Ka-raacday.
  • Kashaada ninkaad ku soortay.

Geeraar murugo ah

  • Kol waan kuu gabyayaa.
  • Geeraar jaceyl gaw jugu siiyaa.
  • Galin waan shaqeeyaa.
  • Si aynaan u gaajoon.
  • Gasiinkaynu cuneynaa.
  • U gala magaalada.
  • Adna waad gurxamaysaa.
  • Ku haadineysaa
  • Hadal igu gubeysaa.
  • Garaadkaada maahee.
  • Gabdho kuu waramay
  • Baa gurigeena dumin raba.
  • Guunyo aan haynin jeebkaygu.
  • Geyn bey muugadu ku leeyihiin.
  • Adiguna garaadlaay garan maysid.
  • Nacabka kuwaa laygu dawgalay.
  • Iskukeen gubaaya gacaltooyo moodaa.

Geeraar jaceyl romantic

  • Kalgacayl maan kuwada aqal galnaa.
  • Caashaqana wada doogsanaa.
  • Muxibada mawada diirsanaa.
  • Dareenka maan kuwada dalxiisnaa.
  • Farxada maan wada daadahaysanaa.
  • Danta meel maan u wada jihaysanaa.
  • Jaceyl maan wada xusnaa.
  • Habeen, maalin, xili kasta.

Geeraar jacayl naf kugu waalatay

  • hadaan haada kaa arkay.
  • Hungurigi oo idil hami wan u waayay.
  • Hilow caashaq baan hiigsadaa.
  • Ma hurdo habeenki.
  • Hami jaceyl adigaa horey iigu beeray.
  • Halbowlihi dhiiga waday.
  • Hagihi naftayda adigaan kuu hibeeyay.
  • Hadaan adiga ku helin.
  • Hubaal waxaa ah, hambalyo iska daaye.
  • Harsi waan samray iyo hurdo habeen oo idil.

Geeraar amaan ah oo macaan

  • Dayax wada iftiimiyo.
  • Waxaa tahay daruuraha.
  • Raxmada da’aysoo.
  • Deeq ilaahay baa tahay.
  • Ana ruuxa kuu diran.
  • Ee dookhu kuu xulay.
  • Ku daneeya baan ahay.

geeraar jaceyl oo qoraal ah

  • Waxaa tahay aragaygi.
  • Waxaa tahay mustaqbalkaygi.
  • Waxaa tahay iftiinki noolashayda.
  • Majiro waxaan kaa dooranayo adiga.
  • Mana jiro cidaan kula meel dhigayo.

Geeraar jaceyl raali galin

  • Intaas lahaa anigu.
  • Ha noqon eedaysane.
  • Ahow ruux aaminoo.
  • Adkee balankoo.
  • Miyaad adiguna lahayd.
  • Ku aasoo iilka gali.
  • Koley aadmi baan nahoo.
  • Waxaan u abuuranahay.
  • Inaan khaladaad galnee.
  • Anoo uurka kaa cafiyay.
  • Insaan baan koley ahee.
  • Ilaah nabsigayga iyo ishayda.
  • Kaa difaac, aduunyada kuu xalaalee.

Geeraar jacayl xaaskaaga

  • haduu caashaq I helay.
  • Waliba hawl yari u dagay.
  • Wadnaha hooskiisa iyo.
  • Halbawlaha dhiiga wada.
  • Oo aan uga tagay hurdada.
  • Habeenkii ma seexan karee.
  • Hamigu wuu igu badan yoo.
  • Hilmaan aan daris la ahay.

Geerааr jасayl оо qiirо leh hooyo

  • Humaag inta harar irtiyo.
  • Hilaac intay bilig tiara.
  • Hilaadin intay indhuhu.
  • Hubaal arag soo dabaan.
  • Hooyooy adigaa u roon.
  • Hankuna kaligaa tabaa.
  • Hooyooy adigaa kashiyo.
  • Hogaamiya bogayga.
  • Hamuun adigay bishimuhu.
  • Hooheey shubintaa tabeen.
  • Halhayd adigaa qalbigu.
  • Had iyo goor kaa dhigaa.
  • Hilmaan adigaan ka galin.
  • Hortiisa hadii la turbo.
  • Hablaha ishu goobayso.
  • Adaan hooyooy ka dhicin.
  • Misbaaxa hortayda yaal.
  • Hadaad galbatoo tagtana.
  • Hooyooy anigaan jareyn.
  • Holinta geeraaradee.
  • Hadmaan janadi wacnayd.
  • Haleel ugu toosiyoo.
  • Hadmaan hooyooy ku oran.
  • Ileen daal waan mutee.

Geeraar caashaq ah

  • Luuley walaal sare.
  • Sida laanta dhabigoo.
  • Dhiil guduudan bixisoo.
  • Liiliicayso dhibic roob.
  • Leertu ay ruxaysaa.
  • Laafyahaada eegtaa.
  • Eedhe yaa ku laacoo.
  • Laabta aana kaa bixin.

Geeraar jacayl oo aad u macaan

  • Barbarkaan u jiifsado.
  • Baryo ka soo kici maayo.
  • Bogga iyo calooshiyo.
  • Beerkaa layga badan yahay.
  • Bartaada hadaan arko.
  • Bisha afariyo tobnaad baa.
  • Ber kasta ku moodaa.
  • Biicdaada wacanbaa.
  • Bartamaha habeenkiyo.
  • Bilicsami u eegaa.

Geeraar jaceyl oo gaaban

  • Aaway balanti ahayd. 
  • Waligay kaama tagaayo.
  • Waxkastoo dhaco.
  • Waan ku jeclaan doonaa.
  • Ilaayo dhamaadka noolashayda.

Gaba-gabo

Inaad lamaanahaada geeraar jacayl oo xul ah u dirto. gaar ahaan kuwa aan kula-wadaagnay. Waxay kordhinaysaa dareenka jaceylka uu kuu hayo. ma ahan khayaali ee waa dhab


Waxay ku abuuraysaa soo jiidasho. Iyo inuu xiiseeyo dhagaysiga erayada jaceylka ee afkaada ka soo burqanaya. oo aad u dirtay

Sidaas darteed marnaba hala-bakhaylin lamaanahaada. Inaad la-wadaagto geeraar jacayl ah gaar ahaan kuwan macaan.

La-wadaag asxaabtaada, mahadsanid.

Dhamaad.

Post a Comment

0 Comments
* Please Don't Spam Here. All the Comments are Reviewed by Admin.

Your Category Navigation ID