Type Here to Get Search Results !

erayo aad ku dhihi karto ninkaada

14 ERAYO AAD KU DHIIRIGALIN KARTO NINKAADA
 




Midkastoo kamida dhiirigalintan, waxaa loogu tala-galay. Iney dajiso qalbiga ninkaada, ood u muujiso taageero. Adigoo dhiirigalinaya, oo xusaya wakhtiga adag ee xiligaas.

Erayadan dhiirigalintaa, waxay kaa caawinayaan. Inuu ninkaada dareemo, inaad garabkiisa taagan tahay, ood xoojinayso.

1. Macaan badan, waxaad ogaataa wakhtiga adaga. Inuu yahay qayb kamida, safarada noolasha. Waxayna naga dhigaan, kuwo ka adag intii hore. Ka caqli badan oo ka awood badan.

Kaligaa kuma tihid xaaladan, anigaa kula-jira tallaabo kastood qaado.

Dhiirigalintan waxay tusaysaa, in wakhtiga adag uu ka-helayo. Fursad uu ku hormaro.

2. Geesigaygi, inaad waajahdo wakhtiga adag. Waa tijaabo lagu ogaanayo awoodaada iyo kartidaada. Waana ku kalsoonahay adiga iyo kartidaadaba. Inaad ka guulaysan doonto caqabadahan.

Waxad leedahay awood qarsoon, ood xataa ku dhaqaajin karto buuraha.

Inaad sheegto geesinimadiisa iyo awoodihiisa, waxay ka caawinayaan. Inuu ku kalsoonaado kartidiisa. Si uu uga adkaado culaysyadaas.

Waxay kaloo tusaysaa, inaad aaminsan tahay awoodihiisa gudaha.

3. Qaali, aan ku xasuusiyo. Culays-kasta wuxuu wataa xalkiisa. Wakhtigan adag waa laga gudbi, waana ka fiicnaan doonaa sidan, si wada-jira.

Adkaysigaada waa calaamada rajada, wayna I dhiirigalisaa maalin kasta.

Inaad ku dhahdo jumladan, waxay kordhinaysaa rajadiisa. Xusitaanka wakhtiga adag, inuu yahay wax ku meel-gaadha. Waxay dhalinaysaa natiijo wanaagsan.

4. Jacaylkaygi, kartidaad u leedahay inaad horey u socoto wakhtiyada adag, waa mid cajiiba. Waa caadi inaad dareento niyad-jab, laakin ogow xaaladan oo kale. Iney kaa dhigayso mid ka-awood badan, inti hore.

Xataa markuu niyad-jabo, u sheeg wajahida iyo u adkaysiga wakhtiga adag. Iney shaqsiyadiisa kobcinayaan, oo uu noqdo mid awood badan.

5. Seeskaygi, in-badan ayaad wax caawisay. Hadana waa caadi in lagu-caawiyo. Wakhtiga adag, wuxuu ku tusayaa qiimaha wada-jirka, iyo is-caawinta. Kaligaa ma-tihid, waana ka baxaynaa xaaladan, si wada-jira.

Dhiirigalintan waxay xasuusinaysaa, doorkuu ku-lahaa caawinta dadka kale. Hadana ay caadi tahay, inuu waydiisto taageero. Adoo xusaya muhiimada wada-jirkiina.

6. Malabkaygi, u dulqaadashada wakhtiga madaw. Waa calaamada dhiiranaanta. Ogow khatar-kastood wajahdo, waxay kuu sahlaysaa. Sidaad u gaadhi lahayd, guushaada xigta. Ee madaxaada kor u-qaad, niyadana adkayso.

Inaad amaanto dulqaadkiisa iyo dhiiranaantiisa. Waxay kobcinaysaa rajadiisa. Iyo in xaalad-kasta oo uu ku sugan yahay markasta. Iney u diyaarinayso guushiisa mustaqbalka.

7. Lamaanahaygi, waxaad ogaataa markasta inaan ku jeclahay, ood sharaf iga mudan tahay. Wakhtigan adag, eed ku-jirto ma qeexayo shaqsiyaada. Ee waa qayb yar oo kamida noqon doona sheekooyinkaada cajiibkaa.

Inaad xasuusiso qiimihiisa iyo jacaylkaada. waxay keenaysaa inuu shaqsiyadiisa ka sooco xaalada uu ku sugan yahay markaas. Adoo u tusaya, iney tahay qayb yaroo lagu faano, oo sheego togan ah.

8. Qiimo badan, adkaysiga aad ku wajahday dhibaatada waa mid cajiiba. Waad ka guulaysan maalin’un caqabadahan. Tallaabo kastood qaadana, waa mid kuu dhawaynayso, maalamaha iftiinka.

Inaad amaanto adkaysigiisa, waxay dareensiinaysaa daganaansho. Inaad xusto talaabo kasta iney u dhawaynayso guushiisa. Xataa haday yar-tahay, waa mid cajiiba.

9. Xubi, wakhtiga adag inaad tahay halyeey. Halyeeyaduna waxaa loogu tala-galay halgan.

Dhiiranaantaada iyo kartidaada, mid loo-dhigmi karo maaha. Shakina kama qabo inaad sidan ka sii awood badnaan.

Halyeey inuu yahay, inaad xasuusiso. Waxay keenaysaa inuu dareemo. Inuu karti iyo awood u leeyahay, sida loo maareeyo halganka noolasha.

10. Geesigaygi, xiligan adag. Ogow dhiiranaantaadu ineyna ahayn mid qarsoon. Kartidaada waxay igu dhiirigalinaysaa, inaan wajaho caqabadaha anigoon baqaynin.

Geesinimadiisa inaad xusto, waxay ku dhalinaysaa dhiiranaan uu ku wajaho caqabadaha

Dhiirigalin ku saabsan caqabadaha shaqada


11. Gacaliyow, caqabad kastood kala kulanto, xaga shaqada. Waa fursad aad ku soo bandhigi karto, kartidaada. Waad qaban kartaa midan, anigana garabkaada ayaan ahay, talaabo kastood qaado.

Dhiirigalintan waxay keenaysaa, aragtidiisa caqabadaha shaqada. Inaad u tusto iney fursad tahay. Halkuu is-dhiibi lahaa.

12. Qaali kartidaada xad maleh. Caqabad kastoo xaga shaqadaa, waa hal xidhaale sugaya, xalkaada cajiibkaa.

Horey u soco waligaa, waad kartaa inaad xaqiijiso waxyaabo cajiiba.

Inaad xusto kartidiisa iyo awoodiisa, waxay xoojinaysaa ooy kor u qaadaysaa kalsoonidiisa. Waxay xasuusinaysaa, inuu awood u leeyahay caqabadaha shaqada inuu ka adkaado.

13. Macaan badan, caqabadahan shaqada ka-dhigo dhiirigalin. Iyo shidaalki aad ku gaadhi lahayd hamigaada.

Waad sareysaa, caqabad kastana waxay kuu sii-dhawaynaysaa, inaad gaadho yoolkaada.

Inaad culaysyadiisa uga dhigto, shidaalki uu ku gaadhi lahaahamigiisa. Waxay keenaysaa in caqabadaha uu u arko, jaraan-jarooyinki uu ku xaqiijin lahaa hadafyadiisa.

14. Malabkaygi, waxaad ku soo-guulaysatay kuwo badan. caqabadan kale ee shaqada, waa cinwaan kale oo kamid noqonaya, sheekooyinkaada guulaha.

Ahow midaan is-dhiibin, marnaba samirkaada makhasaarayo.

Xasuusinta guulihiisa hore. Inaad caqabadaha cusub u tusto, fursad kale oo uu ku xaqiijin karo guul. Waa hab aad ku dhiirigalin karto.

Post a Comment

0 Comments
* Please Don't Spam Here. All the Comments are Reviewed by Admin.

Your Category Navigation ID