Wasiir Ku Xigeenka Xafiiska Cadaalada DDS Iyo Xafiiska Wasaarada Cadaalada.
Maxamed Daahir Xaashi oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa sheegay in maxkamadda sare ee gobolka Faafan ay soo saartay amar lagu soo xirayo lix qof oo qurba-joog ah oo lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen dagaalladii ka dhacay gobolka Doollo, sida dilka 6-dhalinyaro ah. oo lagu dilay Wardheer iyo dambiyo kale.
Sarkaalkan ayaa tilmaamay in baaritaan dheer oo ay si wadajir ah u sameeyeen hay’adaha cadaaladda iyo kuwa amnigu ay ku ogaadeen in lixdan qof ee ajaanibka ah ay kaalin mug leh ka qaadanayaan hurinta colaadaha soo noqnoqday ee gobolka Doollo, ayna si weyn uga qayb qaateen dhacdadaas. u dambeeya Dilka arxan darada ah ayaa koox dhalinyaro ah loogu geystay Masjid ku yaala Degmada Wardheer ee xarunta Gobolka Doollo.
Ku simaha wasiir ku xigeenka xafiiska cadaalada DDS ayaa sidoo kale tilmaamay in amarka lagu soo xiray dadkan ajaanibka ah ay u soo saareen lixdan qof ee ajaanibka ah maadaama ay hayaan cadaymo ku filan oo muujinaya sida ay uga qayb qaadanayaan hurinta colaada u dhaxaysa beelaha walaalaha ah ee wada dega magaalada.
Sidoo kale, wasiir ku xigeenka ayaa hoosta ka xariiqay inay heleen xog dhameystiran oo ku saabsan kooxihii dilka geystay ee falkaasi argagaxa leh geystay, ciidamadana ay ku raad joogaan, ayna rajeynayaan in dhawaan gacanta lagu soo dhigo.
Ugu dambeyn, mas’uulkan ayaa ugu baaqay qurba-joogta iyo shacabka deegaanka inay ka fogaadaan cid walba oo ka shaqeynaysa colaadda dadka walaalaha ah iyo hurinta colaadaha.