kaasoo lagu soo gaba gabeeyay dadaaladii ay wadeen Soomaaliya iyo Itoobiya.
Sida ay sheegayaan ilo lagu kalsoon yahay, awooddan ayaa ka dhalatay codsi uu Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed u gudbiyay Madaxweynaha, kaasoo ahaa inuu gacan ka geysto sidii loo soo afjari lahaa qalalaasaha muddada sanadka ah ku dhow ee saameeyay Itoobiya iyo Soomaaliya.
Kulanka ayaa u dhici doona si niyadsami ah, iyadoo madaxda labada dal ay si gaar ah ula kulmi doonaan Madaxweyne Erdogan, kaasoo gogol xaar u noqon doona kulan ay suuragal tahay in labada dhinac ay si toos ah u kulmaan, heshiisna ku gaaraan.
Wararka aanu helayno ayaa sheegaya in Abiy Axmed uu muujinayo rabitaankiisa ah inuu gabi ahaanba ka tanaasulo damacii keenay dagaalka uu kula jiro Somaliland.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhankiisa isu soo bandhigaya inuu ku taagan yahay go’aankii ay dowladiisa horey u sii adkeysay, wuxuuna marar badan ku difaacay khudbado iyo banaanbaxyo, taasi oo ah inaan waxba ka yareyn ka bixitaanka Ethiopia ee mowqifka MOU ee lagu sheegay isku daygii dhul. iyo xad gudub. Qaranimada Soomaaliyeed waa mid la aqbali karo. Khubarada diblomaasiyadda ayaa rumeysan in kulanka Ankara uu soo dadajiyay go’aankii ay dowladda Soomaaliya ka qaadatay ka bixitaanka ciidamada Itoobiya kadib dhoolatuskii ATMIS-ka oo Midowga Afrika u bixiyay magac cusub.
Wafdiga wasiirka oo gaaray Magaalada Baghdad ayaa waxaa garoonka caalamiga aha ee Bagdhad kusoo dhaweeyay Dhiggiisa Ciraaq isagoo maalmaha soo aadan ka gayb galaya Meertada 61-aad ee Golaha Wasiirada Caafimaadka ee Jaamacada Carabta, iyadoo Soomaaliya ay ka tahay Xubin muhiim oo ka tirsan Golahan.
Wasiirka ayaa inta uu ku suganyahay Dalka Ciraaq waxa uu kulan doceedyo loogu qareemayo horumarinta caafimaadka la yeelan doonaa dhigiisa dalalka ku bahoobay jaamacada Carabta.
Taliye ku xigeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, S/G Cusmaan Cabdullaahi Maxamed (Kaniif), ayaa caawa si rasmi ah xarigga uga jaray qeyb cusub oo lagu soo kordhiyey saldhigga Xamar Jajab. Qeybtan cusub ayaa ah xabsi casri ah oo u gaar ah haweenka, taas oo loogu talagalay in lagu hubiyo ilaalinta xuquuqda haweenka ee ku jira gacanta booliska.
Talaabadan ayaa lagu tilmaamay mid muhiim ah oo xoojinaysa kalsoonida bulshada ee ku aaddan hay’adaha ammaanka, iyadoo la hubinayo in qof kasta oo la xidho lagu hayo duruufo habboon oo u qalma sharaftiisa iyo karaamadiisa.