𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱 𝐝𝐞𝐲𝐧 𝐜𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐚𝐡 𝐦𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐝𝐚𝐧𝐢𝐧 𝐦𝐮𝐝𝐝𝐚𝐝𝐚 𝐬𝐚𝐧𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐚𝐡𝐞𝐲𝐝 𝐞𝐞 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐨 𝐰𝐚𝐫𝐞𝐞𝐠𝐚𝐭𝐚𝐲 𝐁𝐚𝐫𝐧𝐚𝐚𝐦𝐢𝐣𝐤𝐚 𝐃𝐞𝐲𝐧 𝐂𝐚𝐟𝐢𝐧𝐭𝐚
“Maanta oo ay taariikhdu tahay 13-ka December waxay ku beegan tahay sannad-guuradii ka soo wareegtay markii dawladda Soomaaliya laga cafiyey 10-kii sano ee daynta ku dhow, Wasiirka Maaliyadda Biixi Iimaan Cige ayaa caawa soo saaray war-murtiyeed kooban oo uu kaga hadlay horumarka ay Soomaaliya ku tallaabsatay sannadkii u dambeeyey.
Qorshaha ayaa gaaray heerkii ugu dambeeyay ee deyn cafinta. Biixi ayaa hadalkiisa ku bilaabay
“Maanta sanad ka hor waxaa sharaf ii ah inaan idin kala soo qeyb galo, iyadoo
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu ku dhawaaqay guul taariikhi ah oo u soo hoyatay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.
Taasi waxay ahayd joojinta deyn dhan $5 bilyan oo curyaamisay horumarka dhaqaalaha Soomaaliya. Waqtigaas, waxay ahayd gebagebadii halgankii dib-u-habaynta maaliyadeed ee lagu guulaystay kaasoo socday ku dhawaad toban sano.
Hal sano ka dib, waxaan si guul leh uga wada xaajoodnay oo aan ku heshiinnay in deymaha laga cafiyo dalalka xubnaha ka ah. Inkastoo ay jiraan caqabado dhaqaale, haddana dowladda Soomaaliya ma aysan gelin wax deyn cusub ah muddada sanadka ah, iyadoo ilaalinaysa xasilloonida dhaqaalaha guud, kordhinta dakhliga iyo dib u habeynta nidaamka maaliyadeed.
Xukuumad ahaan, waxa naga go’an in aan sii wadno qorshayaashayada dib-u-habaynta iyo dakhli-abuurista ee aan ku maalgelinayno adeegyada aasaasiga ah ee bulshada, oo ay ku jiraan shaqaaleysiinta macalimiin badan iyo maalgelinta adeegyada caafimaadka”.
Muhiimad weyn ayey xambaarsanyihiin heshiisyada ay shalay Ankara ku saxiixeen wasiirrada Cadaaladda Soomaaliya iyo Turkiga
Heshiiska Wareejinta Maxaabiista Xukuman waxuu suurta-gelinayaa in maxaabiista ku xukuman Soomaaliya ama Turkiga loo wareejiyo waddankooda hooyo si ay ugu dhamaystaan xabsigooda.
Heshiiska Kaalmada Sharciga ee Isku Kaashiga Dacwadaha Dembiyada isna wuxuu dejinayaa nidaam iskaashi oo u dhexeeya labada dal si looga wada shaqeeyo dacwadaha dembiyada, oo ay ku jiraan isweydaarsiga caddeymaha, fulinta codsiyada maxkamadeed, iyo la-dagaallanka dembiyada caalamiga ah.