Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa dalacsiiyay Taliyaha Qeybta Waqooyi ee Magaalada Kismaayo Korneyl C/kariin Xasan Cartan (Djabuuti)
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa dalacsiiyay Taliyaha Qeybta Waqooyi ee Magaalada Kismaayo Korneyl C/kariin Xasan Cartan (Djabuuti) oo si geesinimo leh u diiday damaca Xasan Sheekh. Maxamuud si uu u wiiqo dhaqaalaha Ciidamada Dowladda Jubbaland, ilaa uu gaarsiiyo Sarreeye Gaas.
Korneyl C/kariin Xasan Cartan (Djabuuti) ayaa Xasan Sheekh Maxamuud u soo diray lacag dhan $90,000, si uu ugu hogaamiyo afgambiga lagu ridayo Maamulka Jubbaland, halka Xasan Sheekh Maxamuud uu u wakiishay Maxamuud Fanax Gudoomiyihii hore ee Degmada Badhaadhe inuu hogaamiyo duulaanka ay ku soo qaadeen Ciidamada Jubbaland. Deegaanka Raaskambooni oo 13 sano ka hor laga saaray Khawaarijta.
Madaxweynaha ayaa bogaadiyay saraakiisha iyo shacabka Jubaland ee ka biyo diiday damaca xun ee ay ku doonayeen in ay dhibaato uga abuuraan deegaankooda.
Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/llaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa kulamo la qaatay Odayaasha Dhaqanka,
Ururrada Dhallinyarada iyo Haweenka ee degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo, waxaana kulammadaas diiradda lagu saaray sidii bulshada rayidka ah ay u heli lahaayeen. ka qaybqaadan kara hirgelinta iyo taageeridda doorasho hal qof iyo hal cod ah oo ay dawladda Soomaaliya ka hirgelinayso dalka.
Intii uu socday kulanka ayaa madax dhaqameedka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada waxa ay soo jeediyeen talooyin iyo aragtiyo ku aadan doorkooda ku aadan sidii ay u dhici lahayd doorasho xalaal ah oo la aqbali karo, waxayna beeshu si weyn ugu nuuxnuuxsatay muhiimadda ay leedahay wacyigelinta bulshada iyo iskaashiga si loo gaaro nidaam dimuqraadi ah oo si hufan u shaqeeya.
Wasiir Fartaag oo kulanka ka hadlay ayaa bulshada ku dhiiri galiyay inay kaalin mug leh ka qaataan geedi socodka dimuqraadiyada, isagoo xusay in doorashada hal qof iyo hal cod ay muhiim u tahay in la helo cadaalad iyo horumar siyaasadeed oo waara.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in dowladdu ay ku dadaaleyso sidii loo abuuri lahaa jawi ku habboon doorashada, si codka shacabka uu si buuxda uga dhex muuqdo hoggaanka dalka.
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa daah furay shirka dib u eegista
howlaha shaqo ee Hay’adda SDM ee sanadka 2024-ka iyo qorshaha sanadka soo socda ee 2025-ka.
Kulanka oo ahaa mid qiimeyn iyo qiimeyn ah ayaa waxaa ka soo qeyb galay Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Dr. Axmed Cabdi Aadan, Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed, Sheekh Bashiir Axmed Salaad, Agaasime Waaxeedyada iyo Shaqaalaha Hay’adda SDMA.