Type Here to Get Search Results !

madaxweyne xasan sheekh oo la kumay wakiilka gaarka ah ee dawalda chine ee geeska afrika ee degaanka

madaxweyne xasan sheekh oo la kumay wakiilka gaarka ah ee dawalda chine ee geeska afrika  ee degaanka

Muqdisho, December 17, 2024: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee Dowladda Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika Mudane Xue Bing oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Shiinaha. booqashadii Shiinaha. booqashada dalkeena.
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Danjire Xue Bing ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha, siyaasadda, diblomaasiyadda, ganacsiga iyo waxbarashada si kor loogu qaado danaha guud ee Soomaaliya iyo Shiinaha.
Madaxweynaha ayaa Safiirka la wadaagay horumarka uu dalkeenna ku tallaabsaday iyo fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya iyo Shiinaha, wuxuuna xusay in Soomaaliya ay xilligan diyaar u tahay ka qeyb qaadashada caqabadaha iyo fursadaha ka dhalan kara heer gobol iyo heer caalami. .
Danjire Xue Bing ayaa dhankiisa uga mahad celiyay madaxda iyo shacabka Soomaaliyeed soo dhaweynta diiran ee ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa, wuxuuna bogaadiyay guulaha ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka gaartay dhinacyada amniga, la dagaallanka argagixisada, xaqiijinta nabadda iyo horumarka. Geeska Afrika oo ku dhisan deris wanaag, is ixtiraam iyo nabad kuwada noolaanshaha dalalka gobolka.











Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Yuusuf Maxamed Aadan ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabbilay wafdi ka socday Hey'adda NRC ee Soomaaliya oo uu hogaaminayay wakiilka hey’ada, Mudane Maxamed Cabdi.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa wadashaqeynta labada dhinac, dardargelinta howlaha taakuleynta qoysaska Nugul iyo sidii loo hirgelin lahaa mashaariic shaqo abuur la jaan-qaadaya shaqooyinka xiligan loo baahan yahay. Wasiirka ayaa sidoo kale boggaadiyay howlgalka hay’adda NRC ee Soomaaliya.
Wakiilka hay’adda NRC ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi, ayaa dhankiisa uga mahadceliyay Wasiirka, xoojinta iskaashiga, iyadoo inta ku daray inay ka go’antahay Hey’ada NRC horumarinta barnaamijka ay kala shaqeynayaan Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Tags

Post a Comment

0 Comments
* Please Don't Spam Here. All the Comments are Reviewed by Admin.

Your Category Navigation ID