Iyadoo uu cirka isku sii shareerayo khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo maamulka Jubaland
Iyadoo uu cirka isku sii shareerayo khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo maamulka Jubaland ayaa dowladda Soomaaliya waxa ay maamulka Jubaland ku eedeysay in ay ciidamo geysay deegaano ay dowladdu geysay gobolka Jubbada Hoose si ay ula dagaalamaan labada ciidan.
Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo maanta ka hadlayay munaasabad lagu xusayay maalinta naafada adduunka oo lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in sababta dowladda Federaalka ay ciidamo u geysay deegaanada Jubaland ay tahay in ciidamada ATMIS ay la wareegaan ammaanka, isla markaana ay la wareegaan. . amniga. sida ay codsadeen dadka deegaanka ee u baahan in laga caawiyo dhanka amaanka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in la wareegay in ka badan 25 goobood oo ATMIS ah, kuwaasi oo 7,000 oo ka mid ah ay horay ula wareegeen ciidamada dowladda. “Dowladdu waxay u dirtay ciidamo tiro yar, si ay ula wareegaan goobihii ay ka baxeen ATM-ka, si ay u sugaan ammaankooda. Ayuu yidhi Ra’iisal Wasaare Xamse.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa sidoo kale sheegay in “ciidankan ku sugan magaalada Kismaayo ay u arkayeen ciidamo kusoo duulay dal shisheeye”, isagoo amaanay ciidamada Jubbaland oo uu sheegay inay diideen inay la dagaalamaan ciidamada dowladda, waa sida uu hadalka u dhigaye.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dalka uu mid yahay, ciidamada qalabka sidana aan laga mamnuucin meel kasta, ayna u xil saaran yihiin difaaca dalka.
“Waxaa waajib ku ah inay ilaaliyaan xuduudahooda, dastuurka ayaana qeexaya,” ayuu yiri Xamse oo intaas ku daray in madax-bannaanida Soomaaliya ay tahay saldhigga ciidankooda.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in ciidankan oo u tababaran difaaca dalkooda iyo dadkooda ay u yeeraan dadka ay uga shakiyaan inay la dagaalamayaan oo uu ku sifeeyo cadow, soo galooti iyo kuwo aan dowlad ahayn. .
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku baaqay in la helo dowlad ku dhisan nabad iyo walaalnimo.
Dhanka kale maamulka Jubaland ayaa sheegay in ciidamada maamulka Jubaland ee la geeyey Jubada Hoose ay salka ku hayaan arrimo muhiim ah oo ku aadan sidii ay isaga difaaci lahaayeen ciidamada ATMIS-ka ee hadda gacanta ugu jira ciidamada Jubbaland.
Wasiirka Warfaafinta ee Maamulka Jubaland C/fitaax Maxamed Mukhtaar oo ay Raasonews wareysatay ayaa wax laga weeydiiyay ciidamada Jubbaland ee u goostay dowladda Federaalk
Wasiirka Warfaafinta ee Maamulka Jubaland C/fitaax Maxamed Mukhtaar oo ay Raasonews wareysatay ayaa wax laga weeydiiyay ciidamada Jubbaland ee u goostay dowladda Federaalka, wuxuuna ku jawaabay “waxaa jira tiro yar oo ciidamo ah oo la qoray” .
Dowladda dhexe ayuu ku eedeeyay in ay dhaqaale siiso ciidamada u goostay dowladda Federaalka, eedeyntaas oo BBC-da aysan si madax banaan u xaqiijin karin.
Si kastaba ha ahaatee, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku tilmaamay ciidamadan kuwo muujiyay waddaniyad iyo Soomaalinimo. Wuxuu intaas ku daray in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay abaal marin doonaan.
Wasiirka Warfaafinta Jubaland ayaa ku dooday in meel kasta oo ay ka baxaan ciidamada ATMIS ay la wareegeen ciidamada daraawiishta Jubaland ayna nabad qabaan.
Mar C/fitaax wax laga weeydiiyay diidmada Wasiirka ee ku aadan in Dowladda Federaalka ay Ciidamo u soo dirto Jubbaland, wuxuu ku jawaabay in Ciidamada Dowladda Federaalka ay soo dirtay aysan u imaan xaqiijinta ammaanka, balse ay yihiin ciidamo arrimo siyaasadeed u yimid.
Wasiirka Warfaafinta Jubaland ayaa ku dooday in meel kasta oo ay ka baxaan ciidamada ATMIS ay la wareegeen ciidamada daraawiishta Jubaland ayna nabad qabaan.
Dhanka kale maamulka Jubaland ayaa soo saaray amar lagu joojinayo duulimaadyada garoonka diyaaradaha ee magaalada Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose, waxaana digniin loo diray shirkadaha diyaaradaha.
Wasiirka Warfaafinta Jubbaland C/fitaax Maxamed Mukhtaar oo ka hadlayay sababaha loo hakiyay duulimaadyada ayaa sheegay in deegaanadaas ay ka jiraan xaalado colaadeed, isagoo ku dooday in aysan horay halkaasi uga soo degin diyaarad shacab.
"Diyaaradaha hadda yimid halkan waxay ku yimaadeen digniin la'aan," ayuu yiri C/fitaax oo intaas ku daray in diyaaradii digniinta dhagaha ka fureystay lagula xisaabtami doono.
Xiisada iyo khilaafka dowladda Federaalka iyo maamulka Jubaland ayaa salka ku haya nidaamka doorasho ee dalka, kaasoo ah in dowladda Federaalka ay dooneyso in dalka ay ka dhacdo doorasho hal qof iyo hal cod ah, taasoo lagu soo dooranayo madaxda maamul goboleedyada. iyo kuwa Dowladda Federaalka.
Si kastaba ha ahaatee, Jubaland ayaa arrintaasi ku gacan seyrtay, waxaana la qabtay doorasho lagu saleeyay habkii hore ee Jubaland, taasi oo ay doorteen xildhibaanadii dhawaan dib u doortay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.
Dowladda Federaalka ayaa ku gacan seyrtay natiijada doorashadaas, waxaana tan iyo xilligaas soo ifbaxayay khilaafka u dhaxeeya labada dhinac.