Type Here to Get Search Results !

Wasiir Maxamed Soomaali ayaa ugu horreyn uga warbixiyay

𝐖𝐀𝐒𝐈𝐈𝐑 𝐌𝐀𝐗𝐀𝐌𝐄𝐃 𝐒𝐎𝐎𝐌𝐀𝐀𝐋𝐈 𝐎𝐎 𝐑𝐀’𝐈𝐈𝐒𝐔𝐋 𝐖𝐀𝐒𝐀𝐀𝐑𝐄 𝐊𝐔-𝐗𝐈𝐆𝐄𝐄𝐍𝐊𝐀 (𝐉𝐅𝐒) 𝐌𝐔𝐃𝐀𝐍𝐄 𝐒𝐀𝐀𝐋𝐀𝐗 𝐀𝐗𝐌𝐄𝐃 𝐉𝐀𝐀𝐌𝐀𝐂 𝐊𝐔 𝐒𝐎𝐎 𝐃𝐇𝐀𝐖𝐄𝐄𝐘𝐀𝐘 𝐖𝐀𝐒𝐀𝐀𝐑𝐀𝐃𝐃𝐀 𝐈𝐒𝐆𝐀𝐀𝐑𝐒𝐈𝐈𝐍𝐓𝐀 𝐈𝐘𝐎 𝐓𝐄𝐊𝐍𝐎𝐋𝐎𝐉𝐈𝐘𝐀𝐃𝐃.


Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda, Xildhibaan Maxamed Aadan Macalin (Soomaali), ayaa maanta xarunta Wasaaradda ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, oo kormeer shaqo ku yimid Wasaaradda Isgaarsiinta.Kormeerkan shaqo oo qayb ka ah kormeer oo uu dhawaanahaan ku marayay wasaaradaha kala duwan ee dalka.
Wasiir Maxamed Soomaali ayaa ugu horreyn uga warbixiyay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka hanaanka shaqada Wasaaradda iyo horumarka la taaban karo ee ay ku tallaabsatay. Wasiirku waxa uu sidoo kale si faahfaahsan ugu sharaxay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka qorshayaasha ku aaddan mustaqbalka dhow ee Wasaaradda iyo higsiga ay leedahay.
Intii uu kormeerku socday, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa tagay waaxyaha iyo xafiisyada Wasaaradda, halkaas oo uu mid mid warbixino ka dhageystay Agaasimaha Guud ee wasaaradda isgaarsiinta, agaasima waaxeedyada, iyo lataliyayaasha wasaaradda isgaarsiinta iyo teknolojiyada (JFS) .
Intaas ka dib, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa booqday waaxda boostada, halkaas oo looga furay sanduuqiisa cusub ee boostada (PO-BOX), isaga oo sidoo kale la guddoonsiiyay shahaado cadeyn u ah furashada sanduuqa.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa bogaadiyay Wasiir Maxamed Aadan iyo dhammaan shaqaalaha Wasaaradda dadaalkooda joogtada ah, Wuxuu carrabka ku adkeeyay in Wasaaradda Isgaarsiinta ay soo bandhigtay qorshayaal waxtar leh oo gacan ka geysanaya horumarinta isgaarsiinta iyo teknolojiyadda dalka.
Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa tilmaamay in howlaha muhiimka ah ee ay Wasaaraddu qabato ay ku dheehan yihiin hal-abuur, hufnaan, iyo wada-shaqeyn dhow oo dhex marta madaxda iyo shaqaalaha Wasaaradda. Wuxuu si gaar ah u xusay in Wasiir Maxamed Soomaali uu yahay hoggaan ku dayasho mudan oo si hagar la’aan ah ugu adeegaya bulshada, aasaasna u dhigaya mustaqbalka dijitaalka ah ee dalka.
Ujeeddada kormeerkan ee Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS ayaa ahayd in la isku xog waraysto oo kor loo qaado dardar-gelinta iyo taabba-gelinta howlaha muhiimka u ah Wasaaradda, iyo diyaar-garowga hirgelinta barnaamijka casriyeynta Qorshaha Qaranka (NTP).







Wareegto Madaxweyne
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 14/12/2024, waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-003/122024 uu ku magacaabay Xildhibanada. Golaha Wasiirada. 

Wasiiru-dawlayaasha iyo Wasiir-ku-xigeennada Jamhuuriyadda Somaliland ee Xukuumadda cusub.
Wareegtada Madaxweynaha ayaa u qorneyd sidan:-
Wareegto Madaxweyne
Ballanta
Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waayo-aragnimadooda;
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Wasaaradaha hoos ku qorani u leeyihiin u adeegidda Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dhismaha Qaranka;
Markaan Ku Qancay: In ay ka soo bixi karaan mas’uuliyadda ka dhalatay xilalka hoos ku qoran;
Markuu Qabtay: Wadatashiga;
Markuu Go'aansaday;
In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiintan hoos ku xusan.
1. Mudane, Cabdalla Maxamed Carab (Sandheere) Wasiirka Amniga Gudaha ee Jamhuuriyadda Somaliland
2. Mudane, Xasan Axmed Ducaale (Macalin) Wasiirka Dawladdaha Hoose iyo Horumarinta Magaalooyinka ee Jamhuuriyadda Somaliland
3. Mudane Yoonis Axmed Yoonis Muxummad Wasiirka Cadaalada JSL
4. Mudane, Cabdillaahi Xasan Aadan Cawaale Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Jamhuuriyadda Somaliland
5. Mudane, Cabdiraxmaan Daahir Aadan Bakaal, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland
6. Dr. Xuseen Bashiir Xirsi Waxan Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland
7. Mudane, Xuseen Axmed Caydiid Warsame, waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guryeynta ee Jamhuuriyadda Somaliland
8. Mudane, Khadar Xuseen Cabdi Looge, Wasiirka Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland
9. Mudane Cali Jaamac Faarax (Buureed) Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Jamhuuriyadda Somaliland
10. Mudane, Maxamed Yuusuf Cali Axmed (Ilkacase) Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Amniga ee Jamhuuriyadda Somaliland
11. Eng Axmed Jaamac Barre Rooble Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta ee Jamhuuriyadda Somaliland
12. Marwo Kaltuun Sh. Xasan Cabdi Madar Wasiirka Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland
13. Mudane Cismaan Ibraahim Nuur (Af-gaab) Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Jamhuuriyadda Somaliland
14. Prof. Ismaaciil Yuusuf Ducaale Guuleed Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Tababarada iyo Sayniska ee Jamhuuriyadda Somaliland
15. Mudane, Abubakar Cabdiraxmaan Good Wacays, waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Biyaha ee Jamhuuriyadda Somaliland
16. Marwo Milgo Maxamed Cilmi (Sambalooshe) Wasiirka Wasaaradda Shaqada, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska ee Jamhuuriyadda Somaliland.
17. Mudane Maxamuud Cige Yuusuf Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha ee Jamhuuriyadda Somaliland
18. Mudane, Fu’aad Axmed Nuux Nuur, Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaarada Jamhuuriyadda Somaliland
19. Mudane, Axmed Yaasiin Sh Cali Ayaanle, waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka ee Jamhuuriyadda Somaliland.
20. Mudane, Cabdillaahi Cismaan Jaamac (Geel-jire) Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Jamhuuriyadda Somaliland.
21. Mudane, Axmed Aw-daahir Xaaji Xasan, Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka ee Jamhuuriyadda Somaliland.
22. Mudane, Jamaal Maxamed Jaamac Axmed, Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyada ee Jamhuuriyadda Somaliland
23. Saleebaan Ducaale Xaaji Jaamac. Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta iyo Gargaarka ee Jamhuuriyadda Somaliland
24. Mudane, Axmed Maxamed Faarax Coofle, Wasiirka Wasaaradda Ciyaaraha iyo Dhallinyarada Jamhuuriyadda Somaliland
25. Mudane Cumar Shucayb Maxamed Cabsiiye Wasiirka Wasaaradda
Wasaaradda Horumarinta Reer Miyiga ee Jamhuuriyadda Somaliland
26. Sheekh Cabdillaahi Daahir Jaamac (Baashe) Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland.
27. Mudane, Cabdiraxmaan Xasan Nuur Furre, waxaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Somaliland
28. Mudane, Siciid Maxamed Buraale Carraale, Wasiirka Wasaaradda Maal-gashiga iyo Horumarinta Warshadaha ee Jamhuuriyadda Somaliland
Wasiiru Dowlayaasha
29 Mudane Maxamed Yuusuf Ibraahim Faacuul Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Waxbarashada, Tababarada iyo Sayniska ee Jamhuuriyadda Somaliland
30 Mudane Cabdirashiid Maxamed Axmed (Magaalo) Wasiiru-dawlaha Amniga Gudaha ee Jamhuuriyadda Somaliland
31 Mudane, Ismaaciil Mawliid Cabdillaahi Xasan, Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Jamhuuriyadda Somaliland
Wasiir ku xigeeno
32 Mudane Mukhtaar Xaaji Muxummad Faarax Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland
33 Mudane, Axmed Cumar Xaaji Cabdillaahi (Xamarji) Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Horumarinta Magaalooyinka Jamhuuriyadda Somaliland.
34 Mudane Muuse Askar Guuleed Jaamac Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland.
35 Marwo Samsam Maxamed Saalax Yacniile Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland
36 Mudane Jamaal Jaamac Xamud Dhunkaal Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Diinta & Awqaafta ee Jamhuuriyadda Somaliland.
37 Mudane, Cali Axmed Cabdi Cantar Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga ee Jamhuuriyadda Somaliland.
38 Mudane Yuusuf Nuux Yuusuf (Tadhase) Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Jamhuuriyadda Somaliland.
39 Mudane, Maxamed Muuse Xaaji Cabdi (Galaydh) Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada, Arrimaha Bulshada & Qoyska ee Jamhuuriyadda Somaliland.
40 Mudane Sharmaake Cabdi Muuse Maxamed Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Kalluumaysiga & Khayraadka Badda ee Jamhuuriyadda Somaliland.
41 Mudane Cabdiraxmaan Shide Bile Dharaar Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dib-u-dejinta iyo Gargaarka ee Jamhuuriyadda Somaliland.
42 Mudane Yuusuf Kayse Cabdillaahi Aadan Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaarada Jamhuuriyadda Somaliland.
43 Dr. Maxamed Aw Daahir Ibraahim Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka & Isbeddelka Cimilada ee Jamhuuriyadda Somaliland.
44 Eng. Maxamed Cilmi Xuseen (Xuuno) Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maal-gashiga & Warshadaha ee Jamhuuriyadda Somaliland
45 Mudane Jawahar Siciid Warsame
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland
46 Eng. Maliki Cabdi Xasan Xirsi Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyada ee Jamhuuriyadda Somaliland
47 Mudane, Maxamed Muuse Bucul Bookh Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka ee Jamhuuriyadda Somaliland.
48 Mudane, Maxamed Cabdimaalik Axmed, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka & Horumarinta Jidadka Jamhuuriyadda Somaliland.


Tags

Post a Comment

0 Comments
* Please Don't Spam Here. All the Comments are Reviewed by Admin.

Your Category Navigation ID