Type Here to Get Search Results !

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badr Abdelatty,

Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badr Abdelatty, ayaa Sabtidii sheegay in amniga Badda Cas uu muhiim u yahay nabadda iyo xasilloonida gobolka.

 



Wuxuu carabka ku adkeeyey in Masar ay sii wadi doonto dadaallada lagu xaqiijinayo amniga badda, isagoo tilmaamay in arrimaha amniga ee Badda Cas ay saameyn ku leeyihiin dalalka gobolka iyo guud ahaan dunida. Wasiirku wuxuu sidoo kale ka hadlay muhiimadda ay leedahay iskaashiga iyo wada shaqeynta dalalka ku xeeran Badda Cas si loo xoojiyo nabadda iyo badbaadinta khayraadka dabiiciga ah ee ku jira biyahaas.

Waxaa kale oo uu Badr Abdelatty sheegay in Masar ay diyaar u tahay inay ka shaqeyso sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga amniga ee dalalka gobolka, gaar ahaan si looga hortago khataraha soo food saari kara nabadda gobolka, sida burcad-badeedda iyo waxyaabaha kale ee amni-darrida keenaya.





Wasiirka arrimaha dibadda Masar Badr Abdelatty

 ayaa muujiyay sida ay Masar u taageersan tahay dowladda Soomaaliya, isagoo ku nuux-nuux saday inay xoojiso awoodda dowladda Soomaaliya ay ku maamusho guud ahaan dalka, isla markaana ay taageerto ciidamada qaranka. Waxa uu sidoo kale ka digay falalka hal dhinac oo halis gelin kara midnimada Soomaaliya.


Abdelatty, wasiirka arrimaha dibadda Masar, ayaa sidoo kale xaqiijiyay in Masar ay ka qeyb qaadan doonto howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya, kaasoo ay ansixiyeen labada dhinac ee Muqdisho iyo Midowga Afrika. Si kastaba ha ahaatee, faahfaahinta howlgalka oo la filayo inuu bilowdo horraanta sanadka 2025, ayaan weli la shaacin.


Sidoo kale, Abdelatty wuxuu ka hadlay ammaanka Badda Cas, isagoo ku nuux-nuux saday in arrimahan aysan ku xirnayn rabitaanka iyo iskaashiga dalalka ay wadaagaan xeebta, isla markaana ay joogaan ciidamo milateri ama kuwo badda ah oo ka socda dalal aan dan ka lahayn. Badda Cas waa wax aan la aqbali karin.



Hadalka wasiirka arrimaha dibadda Masar ayaa loo arkay mid si toos ah u weeraray Itoobiya oo doonaysa in ay saldhig milatari ka sameysato xeebaha badda cas, sida ku cad heshiiskii ay la gashay maamulka Somaliland ee ay Soomaaliya diiday.


Itoobiya waxay doonaysaa inay hesho dhul badeed si ay uga dhisato saldhig ciidan iyo deked. Heshiiskii ay Soomaaliya ku kala saxiixdeen Ankara ayaa dhigaya in ay ka wadahadlaan sidii loo heli lahaa marin badeed. Si kastaba ha ahaatee, dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in kaliya ay ogolaatay waddo ganacsi, ama deked, isla markaana aysan marnaba aqbali doonin in la sameeyo saldhig ciidan.

Tags

Post a Comment

0 Comments
* Please Don't Spam Here. All the Comments are Reviewed by Admin.

Your Category Navigation ID