Type Here to Get Search Results !

Hargeysa, ayaa waxa lagu qabtay kulan aqoon iswaydaarsi ah

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa galabta Hoygiisa ku qaabilay Ganacsade Xaaji Muuse Xirsi Abokor ( Muuse Dalab ).

Madaxweynaha ayaa Xaaji Muuse Dalab uga xog waramey xaaladda guud ee dalka.
Madaxweynaha kulanka waxa ku wehelinayey Wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga Dr. Cumar Shuceyb iyo Taliyaha Ciidanka Booliska JSL, Sarreeye Guuto Cabdiraxmaan Cabdilaahi Xasan.


Magaalada Hargeysa, ayaa waxa lagu qabtay kulan aqoon iswaydaarsi ah, kaasi oo lagu lafo-guray Siyaasadda Sumaha Beeraha iyo Xeerka sumaha beerah (Agro-Chemical Policy and Bill).



Kulanka oo ka soo qayb-galeen Khuburo kala duwan oo dhanka beeraha ah, ayaa waxa ugu horayn ka hadlay xidhiidhiyaha barnaamijka (Project Coordinator) Mr. C/Qani Xasan Cabdi, waxaanu u mahad-celiyay dhammaan daneeyayasha la shaqeeya Wasaaradda horumarinta Beeraha, gaar ahaan kuwa wada shaqaynta dhow ay leeyihiin, gaar Waxa uu xidhiidhiyuhu ka hadlay muhiimada ay u leeyihiin qaranka.
Waxa uu ugu danbeyntii u mahad celiyay xidhiidhiyuhu Hay'adda Cuntada Adduunka (WFP) oo ka taageeray mashruurcan oo ay wada shaqayn dhaw leeyihiin Wasaaradda Horumarinta Beeraha.
Waxa isaguna madasha hadal ka jeediyay isu duwaha Wasaaradda Beeraha ee gobolka Maroodi-Jeex Khadar Maxamed Ibraahim, waxaanu si gaar ah uga hadlay dhibaatada ay ku hayso isticmaal xumada sumaha beeru u geysteen deegaanka.
Waxa isaguna hadalka ka daba qaatay Cabdirisaq Sheekh Muxumed Gaboobe, waxaanu ku dheeraaday khatarta ay leedahay iyo in ahmiyad la siiyo ilaalinteeda iyo kaydinta haboon iyo sidda ugu haboon ee loo kaydiyo.
Waxa isna madashaa ka hadlay agaasimaha waaxda badbaadda beeraha ee wasaaradda horumarinta beeraha Faysa Maxamed Raage, waxayna ka hadashay muhiimadda ay leedahay in wasaaraddu samayso siyaasadda sumaha beeraha iyo xeerkeedaba, waxayna ka dhawaajisay baahida ay u qabaan ka waax ahaan siyaasaddan iyo xeerka qabyo qoraalka ah, waxayna ku boorsay hawl wadeenada wada siyaasaddan inay dedaalkooda sii libin labaan.
Waxa madashaas si rasmi ah u furay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda horumarinta Beeraha Mukhtaar Xaaji Muxumed Faarax, waxaanu marka hore u mahad celiyay khuburrada ka soo qayb galay dhamaystirka qabyo qoraalka koowaad ee siyasaddan.
Wasiir ku-xigeenku, waxa uu si gaar ah ugu mahad-celiyay hay'adaha kala duwan, gaar ahaan kuwa dawligaa ee ka soo qayb galay kulankan. Waxa kale oo uu ka hadlay ka xukuumad ahaan inay siyaasadooddu tahay in la ansixiyo dhammaan siyaasadaha baahida weyn loo qabo ee ka qabyada ah Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL, in kor loo qaado wax soo saarkax si loo gaadho isku filnaasho dhanka cuntada ah.
Wasiir ku-xigeenku waxa ku dheeraaday sida ay kor ugu qaadayso ansixinteedu wax soo saarka iyo dhaqaalaha guud dalka.
Guud waxa uu booriyay la-taliyaasha gacanta ku haya siyaasadda iyo xeerkaa iyo xidhiidhiyaha mashruuca ee soo qaban qabiyay kulankan.
Ugu danbayntii waxa uu wasiir kuxigeenku u mahad celiyay hay'adda cuntada adduunka oo ka taageeraysa mashruucan wasaaradda horumarinta beeraha.


𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐞 𝐤𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐉𝐒𝐋 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐤𝐚 𝐪𝐚𝐲𝐛-𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐧𝐚𝐚𝐬𝐢𝐛𝐚𝐝 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐦𝐚𝐲𝐧𝐚𝐲𝐞𝐲 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐝𝐚𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐚𝐡 𝐄𝐞 𝐃𝐞𝐠𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐆𝐚𝐫 𝐀𝐝𝐚𝐠.


Tags

Post a Comment

0 Comments
* Please Don't Spam Here. All the Comments are Reviewed by Admin.

Your Category Navigation ID