Type Here to Get Search Results !

In ka badan 100 Qof oo ku dhintay dagaallo ka dhacay gobolka Daarfuur ee dalka Suudaan.

 


Maleeshiyaadka uu Imaaraadku taageero ee loo yaqaan Dacmu Sariic ama RSF ayaa sheegtay in ay la wareegeen gacan-ku-heynta xerada Zamzam ee ku taal galbeedka gobolka ay macaluusha darani saamaysay ee Daarfuur ee dalka Suudaan.

La-wareegtistan ayaa timi kadib markii muddo labo maalmood ah kooxda RSF iyo ciidanka Suudaan uu halkaasi ku dhex-maray dagaal ba’an oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.


Dagaalladan ayaa lagu soo warramayaa in ay ku dhinteen ugu yaraan 100 qof oo ay ku jiraan caruur yar yar iyo hooyooyinkood. Waxaanay Kumanaan kun oo barakacayaal ah ay ka barakaceen xerooyinka qaxootiga oo ay ka mid tahay xerada ZAMZAM.


Maleeshiyaadka Calooshood-u-shaqaystayaasha ah ayaa Jimcihii lasoo dhaafay weeraro dhulka iyo cirka ah ku qaadday Waqooyiga Darfur, waxaanay go’doomiyeen caasimadda gobolkaasi ee Al-Faashir iyo xerooyinka barakacayaasha ee Zamzam iyo Abuu Showk.


Hey’adda la baxday Qaramada Midoobay ayaa Sabtidii lasoo dhaafay sheegtay in dad ka badan 100 qof laga cabsi qabo in ay ku dhinteen weerarrada ay fulinayaan maleeshiyaadka Dacmu Sariic.


Inkastoo ciidanka Suudaan ay si weyn u wiiqeen awoodda kooxdan, hadana todobaadyadii la soo dhaafay, RSF waxa ay xoojisay weerarada ay ku qaadayso xeryaha qaxootiga ee ku hareeraysan magaallada Al-Faashir, waxaanay isku dayaysaa inay la wareegto gacan-ku-heynta xarunta gobolka Darfur.

Maleeshiyaadka loo soogabiyo RSF ayaa  bartilmaameedsanaya gobta sharkadda korontada  Atbara oo ay uadeegsadeen diyaarada daroon ah .




saacado gudahood, maxkamad aya lagu soo ogi dona shirkada Meta oo milkiilaheda  uuyahay Mark Zuckerberg, maxkamadda ayaa go'aan ka gaari doonta inay qasab ku iibiyaan WhatsApp iyo Instagram si ay ugu warejiyan koxo kale,,


Sababta?

Dowladda Mareykanka ayaa aaminsan in Meta ay u iibsatay Whasapp iyo Instagram si ay u ciririyan suqa isgarsiinta


Qaar ka mid ah asxaabta dhow ee Zuckerberg ayaa sheegaya inuu ku nool yahay xaalad murugo, isagoo sheegay inuu xorriyadda u leeyahay muujin oo dhan iyo ineytahay arintas dulmi iyo shirqol cad waxowna umuqada inow daremayo ineysan wax utarin ibasashada qasiri kuyala Washingtonin si ow ugu dhawado madax weynaha mareykanka

Tags

Post a Comment

0 Comments
* Please Don't Spam Here. All the Comments are Reviewed by Admin.

Your Category Navigation ID